SO | EN

SO | EN

Taliyaha ciidanka RSF iyo qoyskiisa iyo dadkloo caan ah oo laga ceshtay Baasabooradii

|

Khartuum (KAAB TV) – Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Sudan waxay bishan August 20-dii soo saartay go’aan lala fajacay, kadib, markii ay ku dhawaaqday in tiro siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciiddanka RSF lagala laabtay baasabooradii dibloomaasiga oo ay horey dastuuri ahaaan ugu safri jireen.

Sidoo kale, Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Sudan waxaa lagu shaaciyey in 24 qof lagala laabtay baasabooradii dibloomaasiga, kuwaasi oo la shaaciyey magacyadooda iyo Xilalka ay horey u hayeen.

Dhanka kale, Wasaaradda waxay ka codsatay dhamnaan ergooyinka Safaaradaha ee dibedda ku sugan inay Hay’adaha awoodda u leh kala hadlaan inaysan la macaamilin dadkaasi lagala laabtay baasabooradii dibloomaasiga.

Dadka ugu caansan Liiska 24 qof ee la soo bandhigay waxaa ka mid ah: Taliyaha Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF, Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo, xaaskiisa, Aamina Muuse Ciise, iyo Walaalkiisa C/raxiim Maxamed Daglo Muuse.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News