Laascaanood (KAAB TV) – Dhaqanka maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo saaray Warsaxaafadeed culus oo ay ugu baaqeyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed in dadka SSC soo gabagabeeyeen duullaankii Somaliland ee dulmiga ahaa iyaga oo difaacay sharaftooda iyo madax bannaanida Soomaaliya.
Sidoo kale, maamulka SSC ayaa shaaca kaqaaday in ey kuhowlan yihiin xasllinta deegaanka si ay uga saaraan ciidamada magaalada Laascaanood, dib u dejinna u sameeyaan dadkii barakacay iyaga oo u fidinaya gargaar bulsho.
“Maxaabiista deegaankan ku galay dambiyada dagaal waxaa hadda gacanta ku haya laamaha ammaanka iyo hay’adaha cadaalladda waxaana la soo taagi doonaa maxkamad. Taangiyada, madaafiicda iyo hubka kale ee waa weyn ee uu Maamulka SSC-Khaatumo ka qabsaday Somaliland 25kii bsihii Agoosto 2023 Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dhawaan kala wareegi doona ciidamada difaaca ee SSC-Khaatumo, waana la soo bandhigi doonaa” yaa lagu yiri Warsaxaaafadeedka kasoo baxay golaha dhaqanka SSC-Khaatumo.
“Maamulka SSC-Khaatumo kuma duuli doono taako ka mid ah dhulka ay leeyihiin qabaa’ilada dariska ah, umana gudbi doonno gudaha Somaliland. Waxaan rejeyneynaa in aan iska kaashanno ganacsiga, nabadgalyada iyo arrimaha kale ee naga dhexeeya si nabad loogu wada noolaado. Hase ahaatee, waxaan ka digeynaa hub uruursiga uu ku fooggan yahay Maamulka Somaliland, umana dulqaadan doonno weerarro nooga yimaadda Maamulka Somaliland.”