AFGOOYE (KAAB TV) – Kooxo aan heybtooda la garaneynin ayaa xaafada Fayuuma ee degmada Afgooye ku dilay nin shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilkan aad uga naxay dadkii aadka u yaqaanay ninka la dilay.
Sidoo kale, Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabaas Osman Abshirow ayaa la sheegay in uu ahaa nin darawal ah oo ka shaqeeya baabuurta tagaasida ah, waxa ayna dadka yaqaan tilmaameen in uu ahaa nin shacab ah aan ku lug laheyn siyaasadaha is diidan.
Dhanka kale, Ciidanka booliiska degmada Afgooye ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidanka sameeyeen baaritaano ku aadan dilkan iyo ciddii ka dambeesay aan wali la aqoonsan goobtana ka baxsatay.
Dilka ninkan loo geestay ayaan sidoo kale jirin cid sheegatay masuuliyadiisa, waxaana aad uga naxay dilka inta badan dadkii ninkaasi yaqaanay ,kuwaa oo tilmaamay in uu ahaa nin wannaagsan oo laga nabad galo.
Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal loo geestay dad sh