Garoowe (KAAB TV) – Wasaaradda maaliyadda dowladd goboleedka Puntland ayaa shaacisay in ay gabi ahaanba joojisay nidaamkii furdooyinka Soomaaliya ee SOMSA, waxa ayna wasaaraddu sheegtay mid iyada u gaar ah sameesatay Puntland.
Sidoo kale, qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in ka maamul ahaan hadda u guureen hab cusub oo computerized ah, kaa u gaar ah maamulkooda loona yaqaan (PUNTCAS).
Dhanka kale, nidaamka furdooyinka Soomaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku soo dalban jireen cadeynta alaabta ganacsi ahaan u keensadaan, waxaana nidaamkan uu ahaa mid isku xiran, balse hadda Puntland sheegtay in bay ka baxday,.
Kulan wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo wasiir kuxigeenka maaliyadda Puntland ka qeyb galeen ayaa lagu soo bandhigay in xafiiska ICT-gu uu ku guulaystay in uu dhamays tiro nidaamkii ay gacnacsatua ku soo dalban jirtay markii ay badeecadooda ay cashuuranayaan ayna gaar u yahay dowlada Puntland.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ma faahfaahin sababta ay uga guurtay nidaamkii guud ee furdooyinka Soomaaliya oo ay hore u isticmaali jirtay, waxa uuna goáankan imaanayaa xilli uu khilafa xooggan ka dhax jiro dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.