Barakicinta ka socota muqdisho oo sii korortay

|

MUQDISHO (KAAB TV) –Dowlada soomaaliya waxay leedahay siyaasad la xiriirta barakacayaasha ama sida dadka dhul loogu kiciyo 2019 ayay ayay ansixiyeen golaha wasiirada soomaaliya waxay waafaqsanyihiin xeerarka caalamiga ah ee dowlada saxiixday ee qeybta ka tahay kii ugu dambeysay ee xuquuqda barakacayaasha ee loo yaqaano Kambala confession ee dowlada soomaaliya qeyb ka noqotay 2019kii.

Xuquuqda muwaadhininta dhulka degan soomaliya qeyb ka noqotay 1990kii dhammaantood waxay iska waafaqsanyihiin in dad an leyska barakicin karin si qasab ah oo ay tahay in lala tashada waqtina lasiiyo oo qiyaarkooda ay ugu barakacaan dhulka kale ay dagilahaayeena lasiiyo waxaa intaas u sii dheer in la ilaayo dadka laciifka ah sida Dumarka iyo caruurta .

Waxaa jira xiliyo aan dadka la rarin sida xiliyada habeenkii oo amniga halis galikaro ama xili uu jiro qaboob daran.

Hadii dhul ay leedahay ay dad dageen waxaa haboon sida hanaanka ugu fiican ee caalamiga ah waa in ay dadkaas meesha ay ka iibiso oo dhulka la qiimeeyo.

Hadii ay arintaas qofka ku dhacdo waxaa fiican in dadka ka dambeeyo hadii uu ogooda in maxkamada gudaha uu geeyo dacwada uu qabo taas ayaan suura gal ah Haddi taas aysan suura gal aheen waxaa tagikarta maxkada xuquuqda aadanaha ee africa sharciyada halkaas yiilay hadii ay ku xadgudubtay cadeeyn ayaana geyn kartaa.

Sidoo kale waxaa kuu furan in aad u geyso gudiga xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay madaama soomaaliya heerar caalami ah qeyb ka tahay.

Magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya waxaa ka socda barakicin ay wadaan madaxda ugu sareysa dalka taas meelaha qaar dad badan ay ku dhinteen ka markii uu dagaal u ku dhaxmaray ciidamada dowlada ee waday barakinta iyo dad diidaana in laga barakiciyo dhul ay ku noolaayeen mudo dheer.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News