Biden iyo Trump oo ay dhexmartay doog adag iyo Biden oo looga guleystay doodaasi

|

New York (KAAB TV) – Dooddii ugu horreysay ee telefishin laga sii daayo sanadkaan ee dhexmartay madaxweynaha hadda Joe Biden iyo madaxweynihii hore Donald Trump, ayaa ku soo dhammaatay iyadoo Biden uu u muuqday in aanu diiradda saarin waxyaabihii laga sugayay.

Sidoo kale, Waxaa dhacayay in hadallada qaar uu ku marganayay, codkiisa oo xabeeb lahaa iyo jawaabaha qaar oo aanu toos u abbaareynin.

Labada nin ayaa kala matalaya xisbiga dimuquraadiga ah oo Biden uu u sharraxanyahay iyo xisbiga Jamhuuriga ah oo Trump uu u taaganyahay.

Dhanka kale, doodda oo uu qabtay telefishinka CNN, ayuu Mr Trump ka gaabsaday su’aal ahayd inuu mas’uul ka ahaa jabinta sharciga iyo rabshadihii dhacay, 2021, markii taageerayaashiisu ay weerareen Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Labada nin ayaa isku adeegsanayay hadallo adag iyadoo Biden uu Trump ku tilmaamay dambiile halka Trump qudhiisu isla eraygaas uu u adeegsaday Biden.

Arrimaha ay ku kala aragti duwanaayeen waxaa ka mid ah soo galootiga, ilmo iska soo xaaqidda iyo maareynta dhaqaalaha.Sidoo kale arrinta Ruushka ee dagaalka Ukraine iyo doorka NATO ayay isku maan-dhaafsanyihiin.

Dimoqraadiga Mareykanka, wuxuu la kulmay burburkii ugu xoogana taariikhda dooddii xalay ee Biden iyo Trump, waxayna hadda ku riixi kartaa dimuquraadiga inay ku cadaadiyaan Biden inuu ka baxo doorashada oo ay la yimaadaan musharrax kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News