Bulshada reer Muqdisho oo aragtiyadooda kadhiibtay waxyaalaha inta badan sababa shilalka kadhaca magaalada Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Shil gaari oo aad u fool xun ayaa inta badan ka dhaca isgoyska magaalada Muqdisho oo uu ugu dambeeyay kii shalay ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimasho badan.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari xamuul ah oo waday Kontainer uu ku rogmaday gaari caasi ah oo ay la socdaan qiyaastii 10 qof oo shacab ah.

Gaariga xamuulka ah ayaa ka yimid dekeda Muqdisho, isagoo ku sii jeeday dhinaca Suuq bacaad sida dad goob joogayaal ahi sheegayaan.

Gaariga xamuulka ah ayaa ku jiifsaday caasiga oo ka mid ah gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya xaafadaha Muqdisho, taasoo keentay in gebi ahaanba uu burburo caasiga.

Ugu yaraan todoba qof oo la socday caasiga ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen shilkaas, waxaana weli labada gaari dhexdooda ku hoos jira mey dadka dhintay iyo qaar nool oo ku qeylo dhaaminaya in la badbaadiyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News