MUQDISHO (Kaab TV) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed, ayaa si adag uga digay in dalka laga hirgeliyo doorasho aan loo dhammayn oo hal dhinac ah, isagoo ku baaqay in xal siyaasadeed oo dhab ah lagu gaaro wadatashi qaran iyo heshiis ballaaran oo ay wadaagaan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.
Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, Sheekh Shariif ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u baahan tahay in si dhab ah loo wajaho, isla markaana aan la iska indho tiri karin tallaabooyinka dowladda federaalka ee hadda jirta ay qaadeyso.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xukun sii hayn aan lagu gaari karin qaab awood leh iyo muddo dheereysi, balse ay muhiim tahay in la tixgeliyo wada-tashi iyo go’aan wadajir ah oo ay ku midaysan yihiin dhammaan qaybaha bulshada.
“Ma jiri karto in qof keligiis uu yiraahdo waan sii joogayaa ilaa 2027, Taasi waa ceeb, mana aha wax la aqbali karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo tilmaamay in khilaafyada siyaasadeed ee hadda jira ay halis ku yihiin xasilloonida dalka.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in doorasho aan heshiis lagu ahayn ay horseedi karto kala qaybsanaan iyo dib-u-dhac ku yimaada dowladnimada Soomaaliya.
“Doorasho been ah ma socon doonto, Waa nasiib darro weyn haddii ay dhacdo in muddo xileedku dhammaado iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin habka doorashada,” ayuu sii raaciyay.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda magaalada Baydhabo, waxa uu yiri “Reer Baydhabo way farxeen waxa ay isdhahayeen waa la’idinka dulqaaday wixii aad dhibsanayseyn, maanta waxa ay taagan yihiin mala iska kacsanaayay mise waa la kala kicinaayay.”
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa ku adkeystay in wada-tashi ballaaran oo qaran uu yahay furaha kaliya ee looga bixi karo xiisadda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka digay tallaabo kasta oo keeni karta kala fogaansho siyaasadeed iyo amni darro.

