Kismaayo(Kaab TV) -Maamul Goboleedka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sameeyay bandhig miitari oo aad u xooggan taasi oo ku tusaaleynaayo awoodda militari ee ciidamada Jubbaland ay u leeyihiin dagaal kasta oo ay lagalaan cid kasta oo duullaan kusoo qaada deegaannada Jubbaland.
Hub iyo gaadiid culus ayuu soo bandhigay Maamulka Jubbaland xilli xaalado siyaasaddeed ay ka taagan yihiin qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.
jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan oo ah Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu digniin u diray dowladda federaalka ee muddo xileedkeeda uu dhammaaday isaga oo kaga digay xadgudubka ay ku sameynayso deegaanada dowlad goboleedyada.
Waxa uu Dhuumaal uu si gaar ah farta ugu fiiqay Puntland oo uu sheegay in dowladdu ay kawado xaalad oo ay ka abuurayso iyadoo maleeshiyaad halkaasi ku abaabulayso oo ay doonayso in maamulkaasi ay kula dagaasho.
Waxaana dowladda federaalka ee muddo dhaafka hore ay meesha ugu saartay xukunka Axmed Madoobe oo ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah waxaana taasi sii dheer siyaasadaha kale ee la xiriira arrimaha doorashooyinka oo ay ka mideysan yihiin Puntland iyo Jubbaland iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn ugu dhaliilsan yihiin ku tumashada awooda dowladda iyo in dalka ay u jihaynayso falqado siyaasadeed iyo sidoo kale dagaallo sokeeye.
Maamulka Jubbaland waxa uu kamid yahay maamullada khilaafka xooggan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya tani oo marka u muuqato mid ay isugu diyaarinayso in tallaabooyinka ee ah in qaar kamid ah maamullada dalka ee kasoo horjeeda siyaasaddeeda ay u adeegsanayso ciidamo taasoo Jubbaland horeba u sheegtay in marnaba oggolaan doonin in deegaanada maamulkaasi khalkhal amni laga dhex abuurro.
Tan iyo markii ay ku kala irdhoobeen shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee sannadkii tegay 2024, waxaa shirka gabi ahaanba ka baxay Axmed Madoobe isagoo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, kadib waxaa si toos soo ifbaxay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland.
Inta uu socday khilaafka Jubbaland iyo DF Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka dagaal toos ah la gashay Axmed Madoobe, isla markaana magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose, lagu daabulay ciidamo ka tirsan kuwa DF Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen saraakiil sarsarre si ay dagaal ula galaan Axmed Madoobe maadaama arrintaas dowlada federaalka ay ku hungowday, iyadoo qeyb kamid ah ciidamada dowlada federaalka Soommaaliya dagaalka lagu qabto ee ciidamada Jubaland iska dhiibaan kuwa kalena ay iska dhiibeyn dalka Kenya.
Tan ayaa ka dhigan in Jubaland ay ku socoto wadadii Puntland oo ayadu hore u sheegtay inay u dhaqmayso sidii dowlad gooni ah oo madax-banaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo wareegatay Raaskambooni arrimaheeda dagaal, iyadoo dagaalkeeda u badashay gobolka Gedo oo hadda xasraddo u dhaxeysa labada ciidan ay ka taagan tahay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku tegay magaalada Kismaayo si ay halkaas wadahal ugu furmaan Axmed Madoobe xalwaarana ugu gaaraan khilaafka taagan. Xassan Sheekh waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii aan wax natiijo ah laga gaarin wada-hadallada u dhaxeeyay maamul goboleedka Jubaland iyo Dowlada Federaalka. kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in aysan aqoonsan doonin doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe.
Xasan Sheekh ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday in uu dib ugu soo laabto Golaha Wadatashiga Qaran, ayna halkaasi ku wadahadal doonaan. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ku adkaystay in ay madaxweynaha kaliya wadahadal doonan markii la aqoonsado dib u doorashadiisa.

