Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay shir aan caadi ahayn oo looga hadlay fulinta iyo taabbo-gelinta Dastuurka dalka, kaas oo lagu ansixiyay qaraar la xiriira hirgelinta qodobbada dastuuriga ah.
Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa fulinta Dastuurka, gaar ahaan diyaarinta xeerar muhiim u ah hab-dhismeedka iyo shaqada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada ayaa kulanka ku ansixiyay Qaraarka Taabbo-gelinta Dastuurka, waxaana sidoo kale la magacaabay guddi ka kooban wasiirro oo loo xilsaaray dardargelinta hawlaha la xiriira hirgelinta qodobbada dastuurka.
Sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada, guddiga cusub waxaa guddoominaya Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana loo igmaday in uu dardargeliyo fulinta Dastuurka.
Waajibaadka ugu muhiimsan ee guddiga ayaa waxaa ka mid ah diyaarinta Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Xukuumadda, kaas oo la doonayo in lagu soo diyaariyo muddo laba bilood ah.
Xeerkan ayaa la xiriira habka loo dhisayo Xukuumadda, tirada xubnaha Golaha Wasiirrada iyo waajibaadka shaqo ee hay’adaha iyo xubnaha ka tirsan Xukuumadda, iyadoo la raacayo qodobbada Dastuurka.
Bayaanka shirka ayaa lagu sheegay in xeer-nidaamiyaha dhismaha Xukuumadda uu yahay mid dalka markii ugu horreysay yeelanayo tan iyo sannadkii 1968-kii.
Diyaarinta xeerkan ayaa la filayaa in ay saldhig u noqoto qeexidda tirada Xukuumadda iyo waajibaadka loo kala leeyahay, si loo helo hannaan sharciyeed oo hagaya dhismaha iyo shaqada Golaha Wasiirrada.
Guddiga loo xilsaaray diyaarinta xeerka ayaa haysta muddo laba bilood ah, taas oo ah waqtiga loo qabtay in uu ku soo dhammaystiro hawsha loo igmaday.
Ansixinta qaraarkan iyo magacaabista guddiga ayaa qayb ka ah tallaabooyinka ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku dardargeliso hirgelinta Dastuurka.
Dastuurku wuxuu saldhig u yahay nidaamka dowladnimada, awoodaha hay’adaha dowladda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin, halka xeerarka kaabayaashuna ay faahfaahin ka bixiyaan sida qodobbada dastuuriga ah loogu dhaqangelinayo shaqada dowladda.
Waxaa la sugayaa hawlaha uu guddigu qabto labada bilood ee loo qabtay iyo diyaarinta xeerka qeexaya dhismaha Xukuumadda, tiradeeda iyo waajibaadka xubnaheeda.

