Guddoomiyaha Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha golaha sharci dejinta ee Bariga Afrika Mudane. Joseph Ntakirutimana iyo xubno ka tirsan wafdigiisa ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho kaga qeyb galay shir gaar ah oo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare C/llaahi Tima Cade, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu xiriir wada shaqeyn oo miro dhal ah la sameyn doono Golaha sharci dejinta ee Bariga Afrika.

Guddoomiye Tima Cade ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu dardar gelin doono soo magacaabista xubnaha Baarlamaanka Bariga Afrika.

Isagoo ka duulaya booqashadooda, Mudane. Joseph Ntakirutimana iyo xubnaha wafdiga ayaa la gudoonsiiyay bilad sharaf iyo hadiyado ka tarjumaysa hidaha iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Khudbadiisa ayuu Mudane Joseph Ntakirutimana ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeedada safarkiisa qaab dhismeedka baarlamaanka bulshada bariga Afrika iyo waajibaadkiisa Waxa uu carabka ku dhuftay in intii uu ku sugnaa Soomaaliya uu damcay in uu la kulmo Xubnaha Baarlamaanka Bariga Afrika oo ka kooban 9 xubnood oo ka kala socda labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kadib in ka badan toban sano oo olole xoog leh, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah dawlad-goboleedka 8-aad ee ururka sanadkan. Soomaaliya ayaa billowday hannaankii ay uga mid noqon lahayd urur-goboleedka IGAD sannadkii 2011-kii.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News