Hargeysa (KAAB TV) – Maamulka Somaliland ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen ragg katirsanaa kooxda Al-Shabaab kuwaas oo kayimaaday dhanka degmadda Jilib ee gobolka jubbada dhexe.
Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugida maamulka Somaliland ayaa w lagu sheegay in howlgalo ey sameeyen ciidanka ammaanka lagu soo qabqabtay xubnahaasi argagixisada ahaa.
Dhanka kale, Xubnahan ey gacan kusoo dhigeen ciidaanka ammaanka Somaliland ayaa isugu jiro Rag iyo Dumar sida lagu sheegay warka kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugida maamulka Somaliland.
Bayaanka kasoo baxay ciidanka ammaanka ayaa lagu sheegay in Dumarkan ey gacanta ku soodhigeen ey xaasas uyihiin Amiiro katirsan Al-Shabaab.
Xubnahan ayaa haatan waxaa kusocdo waxaa lasoo bandhigay sawiradooda, sidoo kale Soamliland ayaa sidaan oo kale, oo horey gacanta ugu soo dhigeen rag ey sheegeen iney katirsanyihiin Al-Shabaab.
Ugudambeyn, xubnahan lasoo qabtay ayaa imaanaya xili Al-Shabaab ey digniino kasoo saartay go’aankii heshiiska badda ee uu Muuse Biixi lagalay dhigiisa Abiy Axmed.

