Hirshabelle oo loollan siyaasadeed wajahaysa, Abgaal iyo Xawaadle oo isku haya madaxtinnimada

|

Xaaladda siyaasadeed ee Hirshabelle ayaa mar kale waxaa ka jira dood ku saabsan mustaqbalka hoggaanka maamulka, iyadoo aragtiyo kala duwan ay ka soo baxayaan sida loo wajihi karo xilka madaxweynaha iyo awood-qaybsiga u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Arrintan ayaa xasaasi ka sii noqonaysa, maadaama siyaasadda Hirshabelle muddooyinkii dambe ay si weyn ugu tiirsanayd isu-dheellitirka awoodda iyo matalaadda beelaha iyo labada gobol ee maamulka.

Doodda hadda taagan, sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka siyaasadda Hirshabelle la socda, ma ahan oo keliya cidda qabanaysa xilka madaxweynaha, balse waxay salka ku haysaa kalsoonida siyaasadeed, awood-qaybsiga iyo mustaqbalka wadajirka labada gobol.

Haddii madaxweynaha laga dhigo Abgaal.

Mid ka mid ah aragtiyada laga hadal hayo ayaa ah in haddii xilka madaxweynaha Hirshabelle loo dhiibo qof ka soo jeeda Abgaal, ay Xawaadle ka qabaan walaac la xiriira isu-geynta awoodaha siyaasadeed.

Dadka qaba aragtidan waxay tilmaamayaan in Abgaal ay markaas yeelan karto saameyn xooggan oo ku saabsan labada xarumood ee muhiimka ah ee Hirshabelle, gaar ahaan Jowhar oo ah caasimadda maamulka iyo madaxtinnimada Hirshabelle.

Xawaadle ayaa laga yaabaa inay u arkaan arrintaas inay sii yareyn karto saamigooda siyaasadeed, taas oo dhalin karta dood cusub oo ku saabsan sida loo ilaalinayo isu-dheellitirka awoodda gudaha maamulka.

Si kastaba, tani waa aragti siyaasadeed oo ay qabaan dhinacyo ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta, mana aha in dhammaan dadka Abgaal ama Xawaadle ay isku aragti yihiin.

DHEERAAD:  Al-Shabaab iyo Hormuud Telecom oo isgaarsiinta u fasaxay qeybo ka mid ah Shabeellaha Hoose

Haddii madaxweynaha laga dhigo Xawaadle.

Dhanka kale, haddii xilka madaxweynaha loo dhiibo Xawaadle, waxaa iyaguna jira walaacyo ay qabaan qaar ka mid ah dadka siyaasadda Abgaal ku dhow.

Waxay dib u xusuusanayaan waayihii hore ee maamulka Hirshabelle iyo khilaafaadkii ka dhashay xiriirka u dhexeeya gobolka shabeelaha dhexe iyo gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah Abgaal waxay ku doodaan in waqtiyadii hore ay jireen aragtiyo xooggan oo Hiiraan ka dhex jiray oo ku saabsanaa in gobolka uu yeesho maamul u gaar ah, taas oo ay u arkaan arrin muujinaysa in kalsoonida labada dhinac aysan weli si buuxda u dhismin.

Sidaas darteed, haddii xilka madaxweynaha loo arko inuu yahay awood ay dhinac keliya si joogto ah u maamulanayo, waxaa laga cabsi qabaa in khilaafkii hore uu mar kale soo laba kacleeyo.

Sidee loo dhisi karaa Hirshabelle ay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe labaduba si dhab ah ugu dareemaan inay leeyihiin?

Haddii awood-qaybsiga lagu saleeyo oo keliya cidda kursiga heshay iyo cidda laga qaaday, waxaa suuragal ah in khilaafku mar kasta dib ugu soo laabto doorasho kasta ama isbeddel kasta oo hoggaamineed.

Laakiin haddii la sameeyo hannaan siyaasadeed oo labada dhinac siinaya kalsooni, waxaa suuragal noqon karta in khilaafka kursiga laga gudbo.

Hirshabelle waxay ka kooban tahay laba gobol oo leh muhiimad siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo aad u weyn.

Jowhar iyo Beledweyne waa laba magaalo oo muhiim u ah maamulka, waxaana muhiim ah in xiriirkooda uusan ku ekaan oo keliya siyaasadda.

Waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo waddooyinka isku xira labada gobol, ganacsiga, adeegyada bulshada iyo isku socodka dadka.

Haddii shacabka labada gobol ay si toos ah u arkaan faa’iidada ka dhalanaysa wadajirka, waxaa fududaan karta in la dhiso dareen ah in Hirshabelle ay tahay maamul ay wada leeyihiin.

DHEERAAD:  BAYDHABO: Sannadguurada 81aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliya

Mid ka mid ah waxyaabaha labada gobol isku xiri kara waa Wabiga Shabeelle.

Webigu wuxuu laf-dhabar u yahay beeraha iyo nolol maalmeedka qaybo badan oo ka mid ah bulshada Hirshabelle.

Maalgelinta beeraha, waraabka, kaabeyaasha biyaha iyo suuqyada wax-soo-saarka waxay abuuri kartaa dhaqaale ay ka wada faa’iideystaan labada gobol.

Sidoo kale, horumarinta xoolaha, kalluumeysiga, ganacsiga iyo warshadaha yaryar waxay abuuri kartaa fursado shaqo oo dhalinyarada loogu sameeyo gudaha Hirshabelle.

Dhalinyarada ayaa ah qaybta ugu badan ee bulshada, hase yeeshee fursadaha shaqo iyo waxbarasho ee ay helaan ayaa weli xaddidan.

Khilaafka siyaasadeed ee joogtada ah wuxuu mararka qaar ka mashquulin karaa hoggaanka maamulka arrimaha muhiimka ah ee bulshada.

Haddii siyaasadda lagu beddelo qorshayaal ku saabsan shaqo-abuur, waxbarasho, caafimaad iyo horumarinta ganacsiga, waxaa suuragal ah in jiilka cusub uu yeesho aragti ka duwan siyaasadda ku saleysan kuraasta iyo awood-qaybsiga.

Marka laga yimaado khilaafka siyaasadeed, Hirshabelle waxay wajahaysaa caqabado amni oo culus.

Deegaanno ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa ka jira xaalado amni oo adag, iyadoo Al-Shabaab ay weli saameyn ku leedahay qaybo ka mid ah deegaannada.

Sidoo kale, khilaafaadka bulshada iyo colaadaha deegaanka ayaa mararka qaar caqabad ku noqda dadaallada lagu dhisayo maamul awood u leh inuu si siman u gaarsiiyo adeegyada shacabka.

Sidaas darteed, heshiis siyaasadeed oo gudaha Hirshabelle ah wuxuu sidoo kale muhiim u noqon karaa xoojinta amniga.
Haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo labada dhinac ay ku qanacsan yihiin, waxaa suuragal ah in khilaafku uu sii yeesho saameyn ka baxsan madaxtinnimada.

Waxaa sidoo kale dhici karta in siyaasadda Hirshabelle ay mar kasta ku soo noqoto doodda ah “yaa kursiga leh?”, halkii laga hadli lahaa “maxaa maamulka loogu qabanayaa shacabka?”

DHEERAAD:  Puntland oo diiday sheegashada gargaarka ee DF

Dad badan oo arrimaha Hirshabelle ka hadla waxay qabaan in xal waara lagu gaari karo wada-hadal dhab ah oo ay yeeshaan dhinacyada siyaasadda, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo qeybaha kale ee bulshada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News