Howlgalo laga sameeyay degmada Ceel-waaq oo lagu soo qab qabtay hub iyo rasaas tiro badan

|

Ceel-waaq (KAAB TV) – Ciidamada Degmada Ceel-waaq ayaa howlgal ay sameyeen waxay ku soo qabteen hub iyo rasaas ay lahaayeen shaqsiyaad inta badan ka ganacsado hubka noocyadiisa kala duwan loona yaaqaano (Cirtookte).

Howlgalka ka dib dhamaan Hubkii iyo rasaastii la soo qabtey waxaa lagu wareejiyey shaqsiyaadkii lahaa.

Sidoo kale, Howlgalkan ayaa imanaaya maalin un kadib markii shacabka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ay jid gooyo udhigteen labo gaari oo nooca xamuulka qaada ah kuwaas oo waday hub tiro badan iyagoona kasoo galay dhinaca xadka Itoobiya.

Ilaa hada lama oga cida iska leh hubkaas gacanta ugalay shacabka reer Caabduwaaq, walow ay jiraan warar hoose oo sheegaya in uu hubkaas leeyahay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Liibaan Axmed Xasan Liibaan (Shuluq).

Dhanka kale, maamulka Galmudug oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegtay in ay si dhow ula socodeen dhaq-dhaqaaqyadaasi hubka looga soo tahriibiyay dhanka xadka Itoobiya.

Dhanka dowladda federaalka ayaa iyadana sheegtay in ay sida ugu dhaqsiyaha hubkaasi gacanta dowladda ugu soo celin doonto.

Guddoomiyaha degmada Caabduwaaq Nasteex oo saakey warbaahinta lahadlay ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka dowladda, isagoona sheegay in dowladda aysan awood uga qaadan karin ayna sugayaan cidii u imaan leheed.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News