IGAD oo Ku Baaqday Wadahadal iyo Is-xakameyn Xaaladda Koonfur Galbeed

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Ururka Goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

War-saxaafadeed kasoo baxay IGAD ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan kororka xiisadaha, iyadoo dhinacyada oo dhan loogu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta xaaladdu inay faraha ka baxdo.

IGAD waxay carrabka ku adkaysay in khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed lagu xalliyo wada-hadal loo dhan yahay, iyadoo la adeegsanayo hababka qaran ee horey u jiray, halkii laga dooran lahaa iska hor imaad ama tallaabooyin degdeg ah.

Sidoo kale, ururku wuxuu dib u xaqiijiyay taageeradiisa ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu fududeeyo dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo wada-hadalka si xal waara loo gaaro.

Hadalkan IGAD ayaa imaanaya xilli ay jirto dhammaan saxiibadda Soomaaliya ay ka walaacsan yihiin xiisada ka taagan degaanada Koonfur Galbeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News