Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiis maalgashi oo ku kacaya ku dhowaad hal bilyan

|

Jiddah (KAAB TV) – Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka carabta ayaa kala saxiixday heshiis malagashi oo ku kacaya ku dhowaad hal bilyan oo Dollar.

Sidoo kale, bankiga dhexe ee Imaaraadka Carabta ayaa maanta la gaaray heshiis ku kacaya $816.79 milyan oo lacag is-dhaafsi ah Bankiga dhexe ee Itoobiya.

Dhanka kale, labada banki ayaa gaaray heshiis hordhaca ah oo u oggalaanaya inay wax ku kala beddeshaan lacagaha maxalliga ah ee birta Itoobiya iyo dirham-ka Imaaraadka.

Heshiiskan ayaa ka dhigan Imaaraadka Carabta, inuu xal u raadinayo hoos u dhaca dhaqaalaha ee Itoobiya.

Ugudambeyn, lacagaha keydka u gelaya bankiga dhexe iyo isdhaafsiga lacagaha maxalliga ayay Abu Dhabi u adeegsanayaa waddo deg deg ah oo waxtaraya dhaqaalaha Itoobiya ee dhulka galay sababo la xiriira dagaalada iyo khalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News