Muqdisho (KAAB TV) – Guddiga arrimaha gudaha,amniga iyo maamul goboleedyada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa kulan su’aalo weydiin ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Xoosh iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.
Sidoo kale, kulanka waxaa shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh.
Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa guddiga warbixin ka siiyay shaqooyinka wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.
Waxaa intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa wasiir Cali Xoosh iyo Guddoomiye Madaale weydiiyay su’aalo ku saabsan shaqooyinka wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaanka ee dalka, gaar ahaan dhacdoyinkii ugu dambeeyay ee magaaladda Muqdisho ka dhacay oo ay ka mid tahay weerarkii xeebta Liido.
Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Gudaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir magaaladda ayaa ka jawaabay su’aalo uu guddiga weydiiyay, ,waxa ayna sheegeen in ay dardargelin doonaan shaqada ay qaranka u hayaan.
Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha,amniga iyo maamul goboleedyada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay wasiirka iyo guddoomiyaha gobolka, waxa ayna sheegtay in kulankan uu ka mid yahay isla xisaabtan uu guddiga la yeelanayo hay’adaha kor joogteyntoodu uu leeyahay kulamada kor joogeynta ahna sii socon doonaan.

