Hargeysa (KAAB TV) -Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa shacabka kula tukaday salaadda Ciidda magaalada Hargeysa, isaga oo jeediyay farriimo la xidhiidha amniga gudaha iyo xaaladda cakiran ee ka taagan Bariga Dhexe.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland, gaar ahaan ganacsatada, in ay muujiyaan feejignaan iyo masuuliyad, isla markaana ay ilaashadaan kaydka raashinka iyo shidaalka ee ay haystaan, maadaama dagaallada Bariga Dhexe ay saameyn ku yeesheen isu-socodka ganacsiga iyo sahayda caalamiga ah.
“Dagaal ayaa socda, kaas oo saameeyay dunida oo dhan. Waxa aynu ognahay in maanta ay adagtahay in maraakiibtii sidii hore u shaqeeyaan, isla markaana ay jiraan caqabado ka jira marinadii ay soo mari jireen,” ayuu yidhi madaxweynuhu.
Waxa uu sidoo kale ganacsatada ku booriyay in aanay si aan macquul ahayn u kordhin qiimaha badeecadaha, isaga oo xusay in bulshada inteeda badan ay ku tiirsan tahay ganacsatada, loona baahan yahay in la muujiyo damiir iyo waddaniyad.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dhawaan ku dagaalamay gobollada Sool iyo Sanaag, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada.
“Bulshada gobollada Sool iyo Sanaag waxa aan ugu baaqayaa in ay ilaashadaan nabadooda iyo walaalnimadooda, aqbalaanna ergada nabadda, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada amniga,” ayuu ku adkeeyay.
Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa Alle ka baryay in uu nabad ku beddelo colaadaha ka aloosan dunida, isaga oo xusay in Somaliland ay diyaar u tahay ka qaybqaadashada dadaallada lagu xasilinayo caalamka iyo joojinta dagaallada.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay rajo ah in iskaashi, dulqaad iyo midnimo lagu wajaho duruufaha taagan, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo horumarka Somaliland.

