Madaxweyne Ruto oo sheegay dadka ka dambeeya dibadbaxyada ka socdo Kenya

|

Nairobi (KAAB TV) – Dalka Kenya qeybo kamid ah waxaa maanta ka socda dibadbaxyo ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto , waxaana meelaha ay ka socdaan dibadbaxyada qaarkood laga soo sheegayaa in ay ka dhaceen rabshado.

Sidoo kale, Madaxweyne Ruto, ayaa shaaciyay in dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladiisa ay dhigayaan dhallinyarada in ay maalgalinayaan hay’ad fadhigeeda yahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo  Ford Foundation.

“Waxaan rabaa inaan weydiiyo dadka Ford Foundation deeqaha ay bixiyaan si ay u maalgeliyaan fowdada dalka Kenya, Maxaa faa’iido ah oo ay ka helayaan ?” ayuu yiri Madaxweyne Ruto xilli uu khudbad ka jeedinayay dibadbax nabadeed oo ka dhacay Nakuru.

Dhanka kale, dibadbaxyada rabshadaha dhaliyay ee looga soo horjeedo dowladda Madaxweyne Ruto ayaa ka dhashay canshuur kordhin dowladda sameysay, waxaana arrintaasi kahor yimid dhalinyaradda oo Madaxweynaha ku qasbay in uu ka laabto sharcigii canshuur kordhinta sidoo kale kala diro xukuumadiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News