Magaalada Qeydaro ee Galmudug ayaa waxaa laga bilaabay dhismaha nalalka ku shaqeeya cadceeda.

|

Galmudug  (KAAB TV) Dhismaha nalalka cadceedda ku shaqeeya ayaa ka bilowday magaalada Qeydaro ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug taasoo qeyb ka ah qorshaha xasilinta ee lagu taageerayo bulshada deegaanka iyo kor u qaadista fursadaha ganacsi.

Maamulka Galmudug ayaa magaalada Qeydaro ka daahfuray mashruuca nalalka wadooyinka ee lagu rakibayo nalalka ku shaqeeya cadceeda.

Intii ay daah-furayeen mashruucan, mas’uuliyiintu waxay bogaadiyeen awoodda ballaaran ee uu u leeyahay horumarinta amniga tuulada deegaanka iyo kor u qaadista ganacsiga deegaannada.

Dadka deegaanka ayaa bogaadiyay mashruucan oo wax weyn ka taraya ifinta magaalada. Mas’uuliyiintu waxay ku celceliyeen taageerada dowladda waxayna ka mahadceliyeen wax ku biirinta bulshada deegaanka ee iskaashiga.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News