Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari

|

Muqdisho (Kaab) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsanaa Booliska iyo Milatariga, kuwaas oo 10-kii January ee sanadkan 2023-ka dilal ka geystay Xamarweyne iyo Balcad.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Qaasim Ducaalle Cabdi iyo Xasan Juulle Shaakir , kuwaas oo ay horay u xukuntay maxkamadda ciidamada.

Qaasim Ducaalle oo ka tirsanaa ciidamada qaada Canshuuraha ayaa Xamarweyne wax ka yar 25 sinti ugu dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abrimo).

Abirimo oo dilkiisu uu sababay carro xoogan ayaa Alaabta Yaryar ee loo yaqaano Jukaatarada ku iibin jiray gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Xasan Juulle Shaakir oo isna ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa dil bareer ah u geystay marxuum Cali Taliye Cariif, kaas oo ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Marxuum Cali Taliye oo ahaa wade mooto Bajaj iyo askariga saaka la qisaasay ayaa murmay, waxaana kadib goobta lagu toogtay marxuumka.

Dhinaca kale waxaa tallaabada ay qaaday maxkamadda iyo dilka ay fulisay soo dhaweeyay ehellada marxuum Abuukar Abrimo oo ku sugnaa goobta qisaasta kadhacday.

“Cadaaladdii Xasan Sheekh noo sheegay maanta waan aragnay. Maxkamadda sharafta leh guul” ayuu yiri adeerka marxuum Abrimo oo goobta toogashada kula hadlay warbaahinta.

Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taas oo aad loo soo dhaweeyay.

DHEERAAD:  Wararkii Ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda LaascaanoodDhinacyada dagaalamaya ayaa waxaa soo kala gaaray sida waraku ay sheegayan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lamana oga Tirada Rasmiga ah ee ka geeriyootay kana dhaawacantay Ciidanka Somaliland iyo kuwa degaanka balse Dadka shacabka ah ee degan Xaafadaha Laascaanood ayaa waxyeelo ay ka gaartay madaafiicda lala beegsanayo Xaafadaha Magaaladaas. Dagaal xooggan ayaa ka socda Hareeraha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalkaas oo u dhexeeya Ciidamadda Somaliland iyo kuwa degaanka ayaa galay maalintii 9aad oo xiriir ah. Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dagaalamayaan duleedka Magaalada Laascaanood balse waxaa Xaafadaha Magaaladaas ku dhacaya Madaafiic Xooggan.

dhanka kale, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News