Muqdisho (KAAB TV) – Wakiilka gaarka ah ee guddomiyaha golaha Midowga Africa ahna madaxa ATMIS Danjire Souef Mohamed El-Amine, ayaa maanta kulan laqaatay safiirada wadamadda ciidamada kajoogaan Somalia.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii amniga dalka loogu wareejin lahaa ciidanka Somalia iyo sidii guusha leheed ee loosoo gabagabeeyay dhimista ciidanka ATMIS ee 2,000 askari ATMIS ah bishii June ee sanadkan.
Dhanka kale, Waxay dib u eegis ku sameeyeen natiijada ka soo baxday Qiimaynta Farsamada Wadajirka ah ee u diyaargarowga bixitaanka 3,000 oo askari ka hor codsigii DFS iyo ogolaanshihii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo aheyd “hakinta farsamo” ee Wajiga 2aad ee dhimista 3,000 oo askari ATMIS ah.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay taageerada ay ATMIS siiso hawlgalka ay DFS hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la isla eegay shuruudaha iyo taageerada lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay in si habsami leh uu u dhaco kala guurka.

