Muxudiin Saabey oo dhawaan Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in uu iska cafiyay gafkii ay ka gashay dowladda Somalia

|

Muqdisho (KAAB TV) – Agaasimihii hore ee canshuuraha barigga u qaabilsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Jurus (Saabey), oo dhawaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in uusan wax cuqdad iyo xumaan ah u qabin dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Muxudiin Saabey oo xalay gurigiisa ku casuumay siyaasiyiin, waxgarad iyo haween kasoo jeeda beeshiisa ayaa caddeeyay in uu iska iloobay waxii xumaato ahaa ee horey lagula dhaqmay, waxa uuna sheegay in wax walbo ku ilaaway soo dhaweyntii quruxda badneed ee loo sameeyay darteed.

“Waxaan idin caddeyneynaa dowladda wax cuqdad ah oo aan u qabno ma jirto qof aan uga xunahay wixii dhacay malaha wixii horay noo galay waxaa naga baxshay tolkii nasoo dhaweeyay oo illaa garoonka noogu yimid” ayuu yiri Muxudiin Saabey.

Dhanka kale, Muxudiin Saabey oo horey xilal kala duwan u soo qabtay ayaa dalka isaga cararay kaddib markii xafiiska Xeer ilaalinta kusoo oogeen dambiyo musuqmaasuq ayna amreen in lasoo xirio lana soo taago maxkamadda gobolka Banaadir.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News