Wargeyskii Kaaha Bari, oo aan akhriskiisa jeclaa, ayaan maalin subax ah horraantii 2003 ka daalacday maqaal cinwaankiisu ahaa: “Nin geedo tiriyay oo qurac ka tagay, geedo ma tirin.”
Waxay ahayd weedh gaaban, balse xambaarsan macne fog. Waxay ka digaysay qofka wax eegaya oo tirinaya waxyaabaha muuqda, balse iska indhatiraya xaqiiqada ugu muhiimsan ee meesha taalla. Waa qofka daraaseeya tirooyinka, magacyada iyo dhacdooyinka, laakiin seega geedka weyn ee hadhka bixinaya.
Kumannaan maqaal iyo qormo ayaan tan iyo maalintaas akhriyay; kuwo badanna aniguba waan qoray. Hase yeeshee, qormadii Kaaha Bari iyo cinwaankeedaas weli kama go’in xusuustayda. Weedhaasi mar kasta ayay maskaxdayda kusoo noqotaa marka laga hadlayo qiimeynta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sida loo fahmayo safarka dheer ee ay soo martay.
Siddeed iyo labaatan sano ka hor, waxay ahayd arrin aad u adag in qof Soomaali ahi rumaysto in dowladnimo lagu unkay meel ka baxsan xarumihii waaweynaa ee siyaasadda, oo xitaa geed hoostiis lagu bilaabay, ay maalin uun yeelan karto hay’ado, sharciyo iyo nidaam siyaasadeed shaqaynaya.
Rajadu way yareyd, shakiguna wuu badnaa.
Soomaaliya waxay ku jirtay burbur siyaasadeed iyo dagaallo daba dheeraaday. Muqdisho waxay ahayd goob colaadeed, dowladdii dhexe way burburtay, kooxo hubaysan ayaa ku loollamayay awoodda, waxaana adkayd in la qiyaaso in meel ka mid ah dalka ay ka dhalan karto hannaan siyaasadeed oo waara.
Haddana, 1-dii Agoosto 1998, waxaa la dhidbay aasaaska nidaam cusub oo markii dambe noqday mid ka mid ah tiirarka dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Dastuurkii lagu unkay Puntland wuxuu noqday bilowgii tijaabo siyaasadeed oo weyn: in dowladnimo laga dhiso gudaha dalka iyadoo la adeegsanayo heshiis bulsho, hay’ado deegaan iyo nidaam federaal ah.
Waagaas, dad badan waxay ku soo koobi jireen su’aal keliya: “Aan aragno siday noqoto.”
Sababtoo ah xitaa qofka rajada qaba ma saadaalin karin in nidaam ka dhashay xaalad adag uu sii jiri karo muddo tobanaan sano ah, iyadoo weli ay socdeen dagaallo iyo khilaafaadyo siyaasadeed.

In meel ka mid ah Soomaaliya ay ka hanaqaaddo hay’ado shaqeeya, iyadoo caasimaddii dalku ay wali la tacaalayso burbur iyo colaado, waxay ahayd wax aan si fudud maskaxda qofka caadiga ahi u qaadan karin.
Maanta, 28 sano kadib, dowladnimadii geedka hoostiis lagu bilaabay waxay maraysaa marxalad kale. Waxay leedahay waayo-aragnimo siyaasadeed, hay’ado amni iyo maamul, doorashooyin, nidaam sharciyeed iyo taariikh dheer oo mudan in si dhab ah loo daraaseeyo.
Taasi macnaheedu ma aha in aanay jirin caqabado. Waxaa weli jira dooddo ku saabsan dimuqraadiyadda, hufnaanta maamulka, awood-qaybsiga, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo sida loo dhisi karo nidaam ka jawaabaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
Laakiin qiimeynta cilmiga ah waxay u baahan tahay in la eego waxa jira, ma aha oo keliya waxa maqan.
Haddii maanta qof doonayo inuu fahmo dowlad-dhiska Geeska Afrika, isagoo aan si dhab ah u daraaseyn waaya-aragnimada Puntland iyo Somaliland, wuxuu luminayaa qayb muhiim ah oo ka mid ah sheekada.
Wuxuu noqonayaa ninkii geedaha tiriyay ee quraca ka tagay.

