Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta lakulmay Maxamed Shiyaac

|

Baqdaad (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Sidoo kale, Xamse oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad, ayaa Labada Ra’iisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.

Dhanka kale, Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda,  Biixi Iimaan Cige, Wasiiradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News