Roobab xooggan ayaa ka da’ay magaalada Beydhabo kaas uu kadhashay barakac

|

Beydhabo (KAAB TV) – Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ka da’ay roob aad u xooggan oo sababay in magaalada qeybo badan oo kamid ah kusoo rogmadaan daadad.

Sidoo kale, daadad ka soo rogmaday isha Baydhabo ayaa gudaha u galay xaafadaha magaalada, waxaana dumay guryo badan oo dad shacab ah ay deganaayeen, barakac xoog leh ayaana saaka ka jira xaafadaha qaar .

Dhanka kale, dadka magaalada Baydhabo qaarkood oo guryahooda soo galeen daadadka biyaha ayaa bannaanada magaalada u barakacay, waxaana jira khasaaro badan oo ka dhashay roobka xooggan ee ka da’ay magaalada Baydhabo.

Roobka da’aya ayaa sidoo kale sababay in ay xirfanto waddadii isku xireysay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho, waxaana deegaan lagu magacaabo Jameeco oo u dhaw Buurhaka ku xayiran gaadiid ka baxay magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News