Magacaygu waa Sacdiyo Macallin Cali Xasan. Waxaan ahay hooyo Soomaaliyeed oo leh ilmo 12 bilood jira, welina u baahan naasnuujin, daryeel iyo jacayl hooyo. Taas oo jirta, haddana ilmahaygu wuxuu u baahan yahay la-joogitaankayga, aniguna waxaan u baahanahay inaan guto waajibkayga hooyonimo. Qareennadaydu waxay ku doodayaan in xaaladdayda hooyonimo, baahida ilmahayga iyo muddada uu weli ku jiro ee naasnuujintu ay yihiin arrimo mudan in sharciga iyo maxkamaddu si gaar ah u tixgeliyaan.
Intaas waa ii weheliya cudurka neefta, dhib weyn ayuuna igu hayaa. Sida aan marar badan sheegay, ma aan helin daryeelkii caafimaad ee aan u baahnaa. Sababtaas darteed, waxaan codsanayaa in la ii oggolaado helitaanka dhakhtar madanbannaan oo si degdeg ah u baaro xaaladdayda, iyo in aan helo daawada, daryeelka iyo xaaladaha nololeed ee aanan xag caafimaad uga maarmin.
Waxaan xirnaa tan iyo 12 Abriil 2026, waxaana 14 Abriil la ii gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Ugu dambayn, 25 Juun 2026, Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay igu xukuntay saddex sano oo xabsi ah. Anigu dembi ma qirsani mana qiran. Waxaan aaminsanahay in la ii haysto hadallo iyo aragtiyo aan soo bandhigay, isla markaana xukunka la igu riday aanu ka dhalan hannaan garsoor oo ka madaxbannaan cadaadis iyo faragelin.
Waxaan aaminsanahay in la iga duudsiyey qaar ka mid ah xuquuqdii uu dastuurku ii jidaynayey. Waxaan dareemayaa in awood dowladeed la ii adeegsaday; waxa laygu ciqaabayo ee aan eersadayna yihiin hadal iyo aragti aan muujiyey. Sidaas ha ahaatee, marnaba ma doonayo in qaddiyaddayda lagu laro dagaal siyaasadeed, colaad bulsho ama muran qabiil. Ma doonayo in ay cid gaar ahi kiiskayga ka dhigato hub ay doodaheeda ku itaasho, taas oo aniga igu sii cuslayn karto xaaladda aan ku jiro. Keliya, waxaan doonayaa in dacwaddayda lagu qiimeeyo sharci, caddayn iyo caddaalad.
Cabashadayda ku saabsan hannaanka dacwadda
Dacwaddayda waxaa markii hore gacanta ku hayey garsoore aan filayay inuu si madaxbannaan u dhegeysan doono. Sida la ii sheegay, markii dambe waxaa galkii la wareegay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, kaas oo sidoo kale noqday garsoorihii go’aanka iga gaaray. Haa, waxaan rumaysanahay in ay fari ku godan tahay dhexdhexaadnimada ama madaxbanaanida laga filan karo guddoomiye dhegaysanaya dacwad ay dowladdii isaga soo magacowday u haysato eedaysanaha.
Ma dalbanayo cafis madaxweyne
Waan qayaxayaa arrinkayga. Anigu, ma dalbanayo cafis madaxweyne, sababta oo ah marnaba ma qirsani inaan dembi galay. Sababta oo ah, dalbashada cafisku waxay la gudboon tahay qof qirsan dembi oo codsanaya in ciqaabta laga dhaafo ama laga dhimo. Anigu waxaan codsanayaa helitaanka garsoor caddaalad ah iyo in xukunkaygu noqdo mid lagu saleeyey sharci iyo caddaymo lagu kalsoonaan karo. Waxaa kale oo aan dalbanayaa rafcaan madaxbannaan oo dib u eegaya dhammaan habkii dacwadda loo maareeyey, caddeymaha la adeegsaday, xuquuqdii la i siiyey iyo sababaha sharci ee lagu saleeyey xukunka.
- Ma doonayo hadallo qiiraysan ama ka-badbadis ah kuwaas oo dhaawici kara dacwaddayda.
- Ma doonayo in qaddiyaddayda la qabiileeyo ama la reereeyo, taas oo dhibka igu sii kordhinaysa.
- Ma doonayo in dacwaddayda darteed qof, ama bulsho kale loogu xadgudbo, taas xaqdarro ah.
Caddaaladdu waa ammaano; waana udubdhexaadka nolosha qofka, qoyska, bulshada iyo dowladnimada. Garsoorkuna waa in uu ka madaxbannaanaadaa cadaadis siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale iyo mid qabiil. Warkaasi run iyo xaq ma yahay?
Eebbana wuxuu Qur’aanka ku yiri: “Ilaahay wuxuu idin farayaa in aad dadka ammaanadooda u guddaan, haddaad kala xukumaysaan dadkana in aad ku xukuntaan caddaalad…” (4:58)
Mar labaad, garsoorku waa ammaano. Xilka garsooruhuna ma aha oo keliya awood isaga u gaar ah oo uu qof ku xukumo, balse waa masuuliyad ay Alle iyo dadkiisuba u igmadeen. Sidaas darteed, Garsooruhu waa in uu u sinnaadaa dadka isaga oo aan u eegin awooddooda, qabiilkooda, hantidooda, xilka ay hayaan ama cidda ay xiriirka la leeyihiin. Waa in marka uu go’aanka gaarayo xusuustaa in qofka hortiisa taagan uu leeyahay sharaf, qoys, ilmo, nolol iyo xuquuq uu dastuurku ilaalinayo.
Waxa aan dalbanayo
Aan warkayga soo koobo. Waxaan si cad u dalbanayaa arrimaha soo socda:
1. Rafcaan degdeg ah oo madaxbannaan: Waxaan doonayaa in ay rafcaankayga si degdeg ah u dhegeysato maxkamad madaxbannaan oo si hufan dib ugu eegta xukunka, caddeymaha iyo habkii dacwaddu u dhacday.
2. Garsoore dhexdhexaad ah: Waxaan doonayaa garsoore aan xilkiisa, mustaqbalkiisa ama go’aankiisu aanay u okobbanayn rabitaanka masuuliyiin kale. Waa in uu yahay garsoore aan ka cabsanayn in uu xilkiisa waayo marka uu sharciga iyo caddaaladda u hiilliyo.
3. In la kala saaro maamulka maxkamadda iyo garsoorka kiiska: Waxaan doonayaa in dacwaddayda loo magacaabo garsoore aan hayn xil sare oo maamul kaas oo culays dadban saari kara. Saxnimada xukunku ma aha oo keliya in la riday balse waa in ay bulshaduna aragtaa in uu u dhacay si hufan oo madaxbannaan.
4. In qareennadaydu helaan xogta kiiskayga oo dhan: Waxaan doonayaa in qareennadayda la siiyo: qoraalka xukunka oo dhammaystiran; dhammaan caddeymaha dacwad-oogista; qoraallada iyo maxdarrada fadhiyada maxkamadda.
5. Daryeel caafimaad oo degdeg ah: Waxaan doonayaa in xaaladdayda caafimaad uu baaro dhakhtar madaxbannaan, kaddibna la ii oggolaado in aan helo daawada iyo daryeelka aan u baahanahay.
6. In la tixgeliyo xaaladda ilmahayga: Waxaan doonayaa in maxkamaddu si dhab ah u eegto danta iyo xuquuqda ilmahayga yar, baahidiisa naasnuujinta iyo saameynta ay ka-maqnaantaydu ku yeelan karto caafimaadkiisa iyo koritaankiisa. Ilmahayga yari, qayb kama aha dacwadda, mana mudna in si dadban loogu xukumo ciqaab aanu isagu shaqo ku lahayn.
7. Dhegeysi dadweyne oo hufan: Waxaan doonayaa in dhegeysiga racfaankaygu noqdo mid uu dhegaysigiisu dadweynaha u furan yahay. Haddii uu sharcigu oggol yahay, waxaan jeclaan lahaa in bulshada loo fududeeyo inay la socdaan dacwadda, si meesha looga saaro wararka is burinaya iyo shakiga ku saabsan waxa maxkamadda ka dhacaya.
8. Garsoor aanu saamayn ama ka fog cadaadiska baraha bulshada: Waxaan doonayaa garsoore go’aankiisa ku saleeya sharciga iyo caddeymaha, kana madaxbannaan hadal-haynta Facebook, TikTok iyo baraha kale ee bulshada. Garsooruhu waa in aanu arrinkaan dhibka igu ah ka raadin caannimo, taageero dadweyne ama raalligelinta madax ka sarreysa. Si taas ka awran, waa in uu raadiyaa una iishaa xaqa iyo caddaaladda.
9. In aan qaddiyaddayda loo adeegsan aargoosi toos ah ama dadban: Waxaan codsanayaa in taageerayaashaydu aysan qof kale aflagaaddayn, ama qabiil iyo qoys dhan eedayn. Waxaan diidayaa in dulmi la igu sameeyey looga jawaabo dulmi kale. Damiirkaygu wuxuu ii sheegayaa in dhibbanuhu aanu xaqiisa ku raadsan karin dhibaataynta cid kale oo aan eed lahayn.
Xorriyadda hadalka iyo masuuliyadda dowladda
Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin in ay dowladda dhaliilaan; weyddiimo geliyaan siyaasaddeeda; ka hadlaan shaqo la’aanta, eexda, musuqa, saboolnimada iyo in fursadaha jira loo siman yahay. Xornimadaas ujeedkeedu ma aha in uu qofku ka sarreeyo sharciga. Dhanka kale, sharciguna ma aha in uu noqdo hub lagu afwaajiyo dhaliisha ama lagu cabsi-geliyo qofka awoodda yar. Sidaas darteed, kolka cid lagu eedeeyo sheegista hadal sharciga ka hor imanaya, waa in si cad loo qayaxaa hadalkaas, sharciga uu jebiyey iyo waxyeellada uu geystay. Qofka eedaysanna waa in la siiyaa fursad uu isku difaaco. Taas oo jirta, haddana xaqiiqdu waa in ay dowladdu ka awood badan tahay qofka eedaysan ee xabsiga ugu jira. Halkaas waxaa ka dhuroobaya in ay masuuliyadda ugu weyni dusha ka saaran tahay dowladda iyo garsoorka, lagana doonayo in ay muujiyaan dulqaad, dhexdhexaadnimo iyo u okobbanaanta sharciga.
Farriintayda bulshada Soomaaliyeed
Bulshada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in aan qaddiyaddayda loo rogin colaad, qabyaalad, cay ama aargoosi. Sidaas oo kale, qareennada, culimada, haweenka, hooyooyinka, suxufiyiinta, aqoonyahanka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha waxaan ku dhiirrigelinayaa in ay taageeraan xaqa qof kasta u leeyahay garsoor caddaalad ah. Mar labadaad, ma dalbanayo:
- in la igu taageero sababta oo ah waxaan ka soo jeedaa qabiil gaar ah.
- in la ii hiilliyo sababta oo ah waxaan ahay qof dumar ah oo keliya.
Si taas ka mudan, waxaan dalbanayaa in la ii hiilliyo sababta oo ah waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh caddaalad, daryeel caafimaad iyo garsoor madaxbannaan. Ogaada, maalin kasta qof baa laga yaabaa in uu hortago maxkamad. Se, haddii maanta la aqbalo in qof lagu xukumo hab aan caddaalad ahayn, berri qof kale ayaa sidaas oo kale loo xukumi karaa, jeer ay gardarradu seeraha dhaafto. Dulucdu waa; ilaalinta xuquuqdaydu ma aha oo keliya ilaalinta Sacdiyo. Waa ilaalinta xuquuqda qof kasta oo Soomaaliyeed iyo in la iska soo mooso caddaalad-darro aan hubno in ay adduunka iyo aakhiraba saamayn xun nagu yeelan doonto.
Gunaanad
Qofna laguma muquunin karo awood, xarig, dil, cabsi-gelin, afwaajin, ama xeer si aan daw ahayn loogu adeegsaday. Taariikhda Soomaaliya waxaa ka buuxa dad badan oo loo xiray fikirkooda, hadalkooda ama mowqifkooda siyaasadeed. Ujeedkaygu ma aha in aan naftayda la simo haldooradii hore ee xaqooda la seejiyey, balse waa in aan dadkayga xusuusiyo in ay xorriyadda hadalka iyo garsoorka madaxbannaani yihiin hanti uu jiil kastaaba ku khasban yahay in uu jiilka xiga u sii ilaaliyo.
Qore: Sacdiyo Macallin Cali Xasan
Ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho
|
Farriintan waxay Sacdiyo ka soo dirtay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyada oo soo marsiisay Qareen Sakariye Ismaaciil Nuur 28 Juun 2026 |

