Taliyeyaasha Ciidamada Milateriga iyo Booliska Soomaaliya oo Cisbitaalka Muqdisho ku Booqday Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

|

Muqdisho (KAAB TV) -Taliyeyaasha Ciidamada Milateriga iyo Booliska Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah booqday askartii ku dhaawacantay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay meel u dhow magaalada Kismaayo kaasi oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxdaasi.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Sulub Axmad Firin oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tagay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daweynayo Askarta dhaawaca ah.

Labada Taliye ayaa intii ay ku guda jireen kormeerkooda waxa ay bogaadiyeen geesinimada iyo guulihii ay ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Huwanta ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Buulo Xaaji iyo Harboole. Waxaana ay u rajeeyeen askarta dhaawaca ah in uu bogsiiyo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa guulo ka soo hooyey dagaalladii shalay, iyagoo ku guuleystay inay degaanno horay looga qabsaday Al-Shabaab ay ka difaaceen.

Booqashadan ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay dowladda uga go’an tahay taageeridda ciidamadeeda iyo in ay aqoonsato naf-hurnimadooda la dagaalanka argagixisada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News