Baydhabo (KAAB TV) -Tiro Madaafiic ah oo siyaabo kala duwan ugu dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen dad rayid ah sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Inta la xaqiijiyay mid ka mid ah Madaafiicda ku soo dhacday Magaalada Baydhabo ayaa sababay dhaawaca 4 caruur ah iyo bur bur guri sida ay sheegeen dad ku dhow dhow .
Madaafiicdan ayaa xalay saqdii dhexe abaare 12:30 AM ka dhacay agagaarka xafiiska maamulka Koonfur Galbeed, afaafka hore ee isbitaalka Baydhabo iyo meelo kale.
Ilaa hadda ma hadlin Laamaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay warbixin dhameystiran ka bixiyaan si ay u gudbiyaan tirada rasmiga ah ee dhaawaca iyo khasaaraha kale.

