Ugu yaraan saddex qof oo lagu dilay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

|

Jigjiga  (KAAB TV) -Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo ka dhacay degmada Wardheer ee gobolka Doollo ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida, C/qaadir Rashiid, ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada ammaanka ay gaareen deegaanka, ayna ku guuleysteen inay dejiyaan xiisadda. Ma uusan bixin faah faahin dheeri ah oo ku saabsan sababta ka dambeysa dagaalkaasi.

Talaadadii ina dhaaftay ayay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ku canbaaraysay colaada labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmartay degmada Wardheer waxayna xukuumada ka codsadeen in la kala dhex dhigo dadka walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay isla markaana si deg deg ah loo joojiyo dhiiga daadanaya.

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka taagnaa dagaal beeleed ka dhashay dhul beereed, balse ma cadda waxa dhaliyay dagaalka cusub ee ka dhacay degmada Wardheer.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News