Waa kuwee ‘dadka xabadaha’ soo ridaya ee uu madaxweyne Xasan sheegay? Maxaase ka run ah?

|

Waxaan raadraac ku sameeyay hadal uu madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay markabkii Turkida ee Khamiistii 23 Abril ku soo xirtay dekedda Muqdisho.

Xasan Sheekh wuxuu halkaa ka jeediyay hadal socday in ka badan 13 daqiiqo. Hadalkaas badankiisa wuxuu uga hadlay khilaafka ka taagan dastuur beddelka, iyo walwalka isaga iyo dowladdiisa soo foodsaaray, taasoo runtii ah arrin hore loo sii saadaaliyay.

Hadalladii goobta ka sheegay madaxweyne Xasan (oo halkan aan dib ugu soo celonay xusuusin ahaan) waxaa ka mid ahaa inay jiraan dad xabado wata oo Soomaalida ku soo ridi jiray, oo khilaaf kasoo shaqeeyay. Wuxuu ku tilmaamay “dad cabsaday oo marxaladdii carruurta ku jira”.

Haddaba yaa waaye dadka uu madaxweyne Xasan sheegaayo?

Intaan u galin cidda uu beegsanaayo, waxaan rabaa inaan dib kuugu naqtiimo dhacdooyinkii u danbeeyay ee sababay in Xasan Sheekh uu qalqal ku furmo.

23 March 2024, waxaa magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay in dastuur beddel aan raali la isaga ahayn uu keeni karo khilaaf iyo in dalku kala tago.

Maalinkaas Sheekh Shariif wuxuu kafishay arrimo badan oo sir ahaa: sida dadaaladii la doonayay in la isugu keeno Xasan Sheekh iyo Puntland taasoo dhanka Xasan ka socon weysay; faragelinta xafiiska Xasan ku haayay guddiga dastuurka ee Baarlamaanka; iyo adeegsiga qabyaaladda oo dowladda Xasan caanka ku noqotay.

Shirkaasi jaraa’id ka dib madaxweyne Shariif ayaa hoggaamiyay wafdi isugu jiray madaxweynihii hore Farmaajo, xildhibaano iyo siyaasiyiin qeybaha Soomaali oo dhan ka kooban oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe. Shirkaasi waxaa ku xigay go’aamaddii cuslaa ee kasoo baxay Dowladda Puntland.

11 April 2024, Madaxweyne Xasan ayaa Nairobi u tagay kulan ay qaban-qaabiyeen odayaal beeleed iyo ganacsato isku dayday inay dhex-dhexaadin ka dhex sameeyaan isaga iyo madaxweyne Shariif. Sida uu madaxweyne Shariif ku sheegay war saxaafadeed 12 April, kulankaasi wax natiijo kama soo bixin.

Hadalka weerarka ah Xasan yuu ula jeedaa?

Khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh ka dul sheegay markabkii shiraacday ee Turkey waxay dhammaanteed ahayd xanaaq, ciil iyo haaraan siyaasadeed oo uu ula jeeday Sheekh Shariif. Laakiin run ma wada ahayd? Aan bal indho caddaalad ah ku fiirinno:

Sheekh Shariif waa ninkii isagoo dhallinyaro ah oo dadka reer Muqdisho ku jiraan afduub, dhac iyo dil ay ku hayeen qab-qablayaashii dagaalka Muqdisho ka dul qaaday ee horseeday.

Sheekh Shariif waa ninkii markii siyaasiyiintii Asmara, Eritrea tagay, ay diideen in lala heshiiyo Dowladdii madaxweyne AUN Cabdullaahi Yuusuf yiri ‘maya’ ee horseeday in shirkii Jabuuti uu qabsoomo. Sidaasna lagu soo dhisay Dowladdii KMG ahayd ee bilawday dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Shabaab.

Dagaalka Shabaab ka wadeen Xamar oo marar badan halis galiyay Sheekh Shariif wuxuu Illaahay mahaddiis sababay in 5 August 2011, magaalada Muqdisho ka baxaan Shabaabka markay dagaalka ku jabeen. Waxaan xusuustaa subaxdaas waxaan hoggaaminayay koox saxafiyiin ah oo aan tifaftire guud uga ahaa Radio Risaala, anagoo ku soo wareegnay, sawirro-na kasoo qaadnay dhammaan degmooyinka Bariga iyo bartamaha Muqdisho.

Madaxweyne Xasan waxaan weydiinaynaa in Xamar laga saaray Shabaab miyuu u yaqaanaa Soomaali la xabadeeyay?

Iyadoo meel eber la taagan yahay, dowladdii Sheekh Shariif ayay ahayd tii bilawday wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland oo soo gaaray heer ay labada dhinac wada sameysteen guddiyo wada-shaqeeya oo arrimaha muhiimka ah ka wada xiriira.

Markale, Sheekh Shariif wuxuu si geesinimo leh u horseeday wadatashiyadii laga yeeshay Dastuurka KMG oo ugu dambeyn Soomaali oo is-oggol August 2012 ku ansixisay Iskool Boolisiya, Muqdisho. Aniga waxaan maalmahaas iyo habeenno ka mid aha saxafiyiintii toos uga soo waramayay xarunta ansixinta dastuurka.

Geeddi socodkaas ku saleysnaa wada-tashiga iyo is-qancinta ayaa keenay in rajadii caalamku ka qabay Soomaaliya ay soo laabato, doorashadii September 2012 ay qabsoonto, ka dibna Dowladda Soomaaliya ay hesho aqoonsiga Mareykanka u aqoonsaday dowlad buuxda sannadkii 2013.

Madaxweyne Xasan, khilaafka uu sheegaayo ma isagaa abuuray mise Sheekh Shariif-ka har iyo habeen ka joogta leh ayaa sababay?

Xasan Sheekh, wuxuu doono haku hadlo, laakiin intii waayo-joogga ahayd way og tahay wixii lasoo maray iyo dib u dhaca maanta la taagan yahay.

(Labada hadal ee Xasan iyo Sheekh Shariif hoose ka dhageyso).

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News