Xasan oo Mucaaradka kadiiday arrimo xasaasi ah oo dhalin kara xasarad siyaasadeed

|

Muqdisho (KAAB TV) – Waqtiga madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kaharsan laba sano iyo  bilooyin walow madaxda heerka federaal aysan kakicin kursiga maalinta uu dhamaado muddo xileedkooda.

Marka lais barbar dhigo waqtiga sharciga ah ee uu heysto madaxweynaha, iyo marka uu kadhamaado muddo xileedkiisa oo uu isku dayo in uu kudarsado sanad sharci daro ah, markaas isku awood manoqonkaro sababtoo maalinta uu muddo xileedkiisa dhamaado, waxaa soo wajahaya culeys farabadan oo kaga imaanaya xaga mucaaradka iyo xaga beesha caalamka oo dowladd dhiska Somalia kuleh door weyn oo muuqda, hadii ay ahaan leheed xaga dhaqaale iyo xaga siyaasadaba.

Waxaa jiro koox mucaarad ah iyadoo inta badan mucaaradka ay abaabul, fikri iksu darsi bilaabaan sanadka ugu dambeeyay madaxweynaha markaas joogo, iyadoona inta badan mucaaradkooda isku badelo maamulo.

Xasan hada oo ay u harsantahy labo sano iyo bilooyin ayaa markii uu yimaaday xafiiska waxaa uu lakulmay mucaarad raba in ay xukuna ladaadihiyaan, iyadoona taas badi dadka siyaasada kafaalooda ay u arkaan in ay yihiin mucaaradka dibad jooga ah oo ay ubadan yihiin xubinihii mucaaradkii midowga musharaxiinta ay kawada tirsanaan jireen Xasan Sheekh.

in laga wada tirsanaa midowgii musharaxiinta mucaaradka xiligii dowaladii Farmaajo iyo in haatan xukunka laisla yeesho farqi weyn ayaa udhexeeyo ayey leeyihiin dadka xaalada siyaasada Somalia si dhow ula socdo.

Ololihii doorashada ee ugu dambeeyay midowga murashaxiinta ayaa shir kayeeshay isbedelka lafilankaro iyo waxyaabaha lagudboon hadii ay Farmaajo ka adkaadan.

Midowga murashaxiita mucaaradka qaarkood ayaa markaas oo jeediyay aragti ah in arrimahaas ay banaanka ugu wada hadlaan oo aheyd sidii xukunka ay uqeybsan lahaayeen hadii ay Farmaajo xukunka katuuraan, lakiin madhacin arrintaas sababtoo ah xasan Sheekh ayaa kahoryimid arrintaas isagoo diiday in tallada lagu shirkoobo.

2012 waxaa iyadana laxasuustaa ololihii doorasho ee xiligaas in Xasan Sheekh uu diiday in lamideeyo, Xisbiyadii xiligaas jiray oo Sheekh Shariif ugu adkaadaan awoodana uqeyb sadaan.

Dhamaan go’aanadaasi waxa ay kubarayaan in Xasan uu yahay siyaasi yaqaana waxa uu rabo kaliya, amaa siyaasi dantiisa kaliya kashaqeeya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News