SO | EN

SO | EN

Ciidaka dalka Kenya oo Qarax lagula beegsaday gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

|

Lamu (KAAB TV) – Ciidamada dalka Kenya ayaa waxaa lala eegtay Qaraxa miino ahaa kaas oo dhulka lagu Aasay ayaa waxaa lala beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo marayay duleedka Magaalada Lamu waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, qaraxa ayaa warraka kasoo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu haleelay mid kamid ah gaadiidka Ciidamada Kenya xilli ay marayeen inta u dhaxeeysa degaannada Milimaani iyo Saldhiga Ciidamada Kenya ee Boori.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Kenya ayaana weli ka hadlin qaraxa, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa sheegtay inay kudileen 1 askari o katirsan Ciidamada Kenya, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya duleedka Magaalada Lamu ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan, isla markaana socdaalkooda ay iska sii wateen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News