Galgaduud (KAAB TV) – Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Dhabad iyo Cadaado ayaa maanta ka qarxay deegaanno hoostaga Dhabad, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.
Sidoo kale, Maleeshiyaadka dagaalka u dhaxeeya ayaa la sheegay in ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa uuna dagaalkan qarxay xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka dagaal ka dhan ah Al Shabaab ka wadaan qeybo kamid ah Galmudug.
Dhanka kale, kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa baaq nabadeed u diray beelaha Walalaha ah ee ku dagaalamaya inta u dhexaysa Dhabad iyo Cadaado.
“Colaad qabiil waa laga so daalay waxna ma soo kordhinayso xili guud ahaan wadanka Soomaaliya u ka socdo Dagaal ka dhan ah kooxda Khawaarijta Al Shabaab” ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug