SO | EN

SO | EN

Muuse Biixi oo magacaabay xubnaha komiishanka xuquuqul Insaanka Soomaaliland

|

Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta  wareegto Madaxweyne uu soo saaray ku magacaabay xubnaha cusub ee Komishanka xuquuqul Insaanka u qaabilsan Somaliland.

Sidoo kale, Wareegtada uu soo saatay madaxweyne Muuse Biixi ayaana ku magacaabay todobo xubnood oo noqonaya Komishanka xuquuqul Insaanka Somaliland, xubnahan uu magacaabay madaxweynaha ayaana dhammaan wada rag ah.

Dhanka kale, Xubnahan oo sida sharcigu dhigayo ay soo xuleen guddida xulista xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka oo madaxweynaha u soo gudbiyey 14 xubnood, si uu ugala soo baxo madaxweynaha todobo xubnood uguna soo saaro xubnahan wareegto rasmi ah.

1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
2. Maxamed Xasan Caalin Xubin
3. Mustafe Cali Cismaan Xubin
4. Baashe Maxamuud Faarax Xubin
5. Maxamed Jaamac Ibraahin Xubin
6. Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle Xubin
7. Muuse Jaamac Cigge Xubin

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News