ADDIS ABABA (KAAB TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar culus oo lagu qaaday xarunta safaarada Itoobiya kuleheyd magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Sidoo kale, weerarka lagu qaaday safaarada Itoobiya ayaa lasheegay in loo adeegsaday hub, durbana waxaa soo baxaya warar kusaabsan in qasaaro xooggan usoo garaay safaarada iyadoona la bililiqeystay agabkii safaarada yaalay.
Safiirka dalka Itoobiya ufadhiya dalka Suudaan, Yibeltal Inda ayaa shaaca kaqaaday in weerar culus lagu qaaday dhismaha xarunta safaarada Itoobiya, isagoona xusay in laqaatay agabkii iyo hantidii taalay safaarada.
Dhanka kale, Ciidamada kudagaalamay Khartuum ayaa waxaa lasoo warinayaa in badan kooda ey weerareen xarunta saafarada eyna kadambeeyeen in la bililiqeysto agabkii safaarada yaalay.
Khartuum ayaa waxaa wali kasoconaya dagaalo xooggan o udhexeeyo ciidaamada RSF iyo iyo kuwa milateriga dalkaasi Suudaan, iyadoo daagaladaan ey sababeen in laboobo xarumo farabadan oo isugu jiro kuwo dowladeed iyo kuwo ganacsi.