Beledweyne (KAAB TV) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in xalay fiidkii lagu dilay kooxo hubeysan ey dileen mid kamid ah ganacsatada magaalada Beledweyne.
Sidoo kale, kooxda dilka geysatay oo aan heybtooda lagaran ayaa salaadii maqrib kadib waxa aya xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne kudileen ganacsade Xasan daahir Cali (Naajeeriya).
Dhanka kale, Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dilka kadib ey goobta isaga baxsadeen kooxdii dilka geysatay waxaana goobta uu dilka kadhacay gaaray ciidamada amaanka iyagoo bilaabay howlgalo ey kuxaqiijinayaan amniga.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa inta badan kadhaca dilal qorsheysan oo lala beegsado ganacsatada iyo waxgaradka magaalada iyadoo horey loogu dilay dad bulshada wax gal u ahaa.