Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaan Cabdullaahi Aadan (Black) oo ka tirsan Golaha shacabka BFS ayaa maanta loo diiday inuu tago magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Sidoo kale, Xildhibaanka oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in laga reebay diyaarrad ku sii jeeday Baydhabo si uu uga qeyb galo aaska iyo Janaasada nin ay ehel yihiin oo ku geeriyooday Muqdisho, meydkiisana saarnaa diyaarada si loogu aaso Baydhabo.
“Waxa la ii sheegay in amarka dayuurada la iiga reebay uu bixiyey nin la yiraahdo Yacquub oo ka tirsan Nabad sugida Koonfur Galbeed ahna sarkaalka u qaabilsan garoonka Baydhabo” ayuu yiri Xildhibaan Black.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullaahi (Black) Waxa uu intaas ku daray inuu sidaas uga haray diyaarada isagoo nasiib daro ku tilmaamay in Xildhibaan Qaran oo aan u socon arrimo siyaasadeed laga hor istaago inuu tago magaaladii laga soo doortay.
“Talaabadan waa mid khilaafsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka oo si cad u damaanad qaadaya xuquuqda aasaasiga ah ee uu muwaadinka Soomaliyeed u leeyahay inuu safar u galo dalka iyo dibediisa” ayuu Xildhibaan Black.
Waxaa uu ka codsaday madaxda dalka gaar ahaan Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud inuu wax ka qabto ficiladan guracan ee ku kacayo hoggaamiyaha Koonfur galbeed, maadaama uu yahay mid dhaartay ilaalinta dastuurka iyo qawaaniinta dalka.
Xildhibaan Black ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda Maamulka Madaxweyne Laftagareen ee hogaamiya Koonfur galbeed, waxayna dhacdadan dad badan soo xusuusisay Talaabooyinkii xiligii Farmaajo loogu diiday iney Baydhabo tagaan siyaasiyiin caan ah oo doonayey iney u tartamaan doorashooyinka kuraastii xubnaha golaha shacabka ee ka socday Baydhabo, talaabadaasoo uu ka dambeeyey Madaxweyne Laftareen.
Waxaan canbaaraynayaa safarka laga xanibay in uu Baydhabo ku tago Xildhibaan Cabdullaahi Aadan (Black) oo ka mid ahaa xubnihii u tartamay guddoonka Baarlamaanka JFS. Xorriyada safarka wuxuu ka mid yahay xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku u damaanad qaaday muwaadinka.

