SO | EN

SO | EN

Ibraahim Roobow Cali oo xabsiga ladhigay kadib markii lagu helay Musuq maasuq

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar soo baxayay saacadihii lasoo dhaafay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya xabsiga dhigeen nin la dhashay wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur.

Sidoo kale, ninkan la xiray oo lagu magacaabo Ibraahim Roobow Cali ayaa katirsanaa guddiga tartanka adeegga xajka ee sanandkii hore iyo sidoo kale isla guddigan uu isbuucii hore uu mar kale magacaabay wasiir Mukhtaar Roobow.

Wararka qaar ayaa sheegaya ninkan la xiray ee Ibraahim Roobow ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal la xariira musuq maasuq, waxaana baaritaanno ku wada laamaha ammaanka dowladad Soomaaliya.

Dhanka kale, Xubno kale oo katirsan guddigii adeegga xajka ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku socdaan baaritaanno, waxaana xubnahan lagu eedeeyay in aysan u adeegin sidii loogu tala galay ayna ku kaceen falal wax isdabada marin iyo musuq maasuq ah.

Dowladad Soomaaliya ayaana wali ka hadlin xarigga la sheegay in loo geestay ninkan la dhashay Sheekh Mukhtara Roonow, waxaana xarrigan imaanayaa xilli dowladda horey u xirtay xukunno kala duwan looguriday masuuliyiin musuq maasuq lagu helay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News