Garoowe (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa madaxtooyada maamulka Puntland kulan kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso.
Sidoo kale, Siciid Deni iyo Catriona Liang ayaa kawada hadlay dowladd dhiska iyo qaabkii ey Puntland uga qeyb qaadan leheed doorkeeda ku aadan, sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday xaaladaha bani’aadantinimo ee katagaan gobolka Sool.
Dhanka kale, madaxweyne Siciid Deni iyo Catriona Liang ayaa sidoo kale, kawada hadlay arrimaha doorashooyinka Puntland iyo qaabkii ey udhici leheed doorasho dimuqraadi iyo nabad ah.
Ugudambeyn, kulankan waxaa qeyb ka ahaa madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash, qaar kamid ah golaha Wasiirada maamulka Puntland iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland.

