SO | EN

SO | EN

Golaha Wasiiradda Somalia ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan deg-deg kuyeeshay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Golaha Wasiiradda xukuumada Somalia ayaa xalay shir deg deg ah kuyeeshay magaalada Muqdisho kuwaas oo meel mariyay hindise sharciyeedka dad-dhigista iyo iyo tirikoobka xaaladaha madaniga ah.

Sidoo kale, shirkan waxaa shir guddoomiyay R/Wasaare Xamze Cabdi Barre isagoo warbixino ku aadan amniga kadhageystay Wasaaradda amniga iyo Wasaaradda Gaashaandhiga, kuwaas oo soo bandhigay meelaha uu maraayo dagaalka Al-Shabaab iyo howlgalada xasilinta amniga caasimadda ee Muqdisho.

Dhanka kale, kulan deg dega ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay tallaabooyinka e dowladda qaaday ilaa hada ee ku aadan gurmadka dadka ey saameeyeen fatahaadaha Roobabka qeybo kamid ah dalka.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegay in R/Wasaare Xamze uu ku amray golaha Wasiiradda in si kala joogsi aan laheyn ugu qeyb qaataan meelmarinta heshiisyadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaran.

Xogaha an helnay ayaa iyagana tilmaamaya in Xildhibaannada iyo Wasiiradda lagu amray ineysan jirin cid cid ubixi karto wadanka dibadiisa inta laga meelmarinaayo heshiiska golaha wadatashiga Qaran, maadaama ey jiraan Xildhibaano badan oo kuhowlan is hor istaaga meelmarinta heshiiskaas.

Ugudambeyntii, shirkan deg dega ayaa kusoo beegmay iyadoo dhawaan lafilaayo in uu dib ufurmo fadhiyada Baarlamaanka oo mudooyinkii ugu dambeeyay fasax kujiray.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News