Cadale (KAAB TV) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sameeyay talaabooyin muhiim u ah garab istaaga ciidanka xoogga dalka ee kujira furimaha dagaalka gaar ahaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.
Sidoo kale, Tuulada Wargaadhi oo degmada cadale 55 KM ujirta ayaa waxaa laga dhisay garoon diyaaradeed oo ay leeyihiin ciidanka xogga dalka, garoonkan ayaa ujeedkiisu yahay in looga maarmo askarta dhaawacyada soogaara in diyaarad laga soo saaro degmada Cadale.
Dhanka kale, Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa kormeer udiray garoonka diyaaradaha ee laga hirgaliyay degmada Cadale iyadoo garoonka hada uu leeyahay meel ey kudagaan diyaaradaha yar yar.
Ugudambeyntii, garoonkan ayaa waxaa sidoo kale laga dhex dhisayaa Isbitaal kaas oo lagu daaweyn doono askarta kudhaawacanta furimaha dagaalka.