Addis Ababa(KAAB TV) – Dalka Itoobiya ayaa haatan wajahaysa guuldaradii ugu weyneed abid ee soo wajahda kadib markii ey kuguul dareystay iney iska bixiso lacago deyn ah oo lagu yeeshay iyadoona saameyn baaxad leh kuyeelan doonat kobaca dhaqaalaha wadankaas.
Sidoo kale, Xukuumada Abiy Axmed ayaa shaly si rasmi ah ugu dhawaaqday iney iska bixin weysay deyntii lagu lahaa iyadoona noqoneysa dalkii saddexaad oo African ah oo iska bixinwaayay deyntii lagu lahaa.
Dhanka kale, Dalka Itoobiya ayaa deyntii lagu lahaa kuguuldareystay iney waqtigeeda kubixiso lacag dhan $33 milyan oo dollar, waxa ayna fursad uheysatay in lacagtaas ey iskaga bixiso ilaa 26 December oo kubeegneyd shalay.
Xukuumada R/Wasaare Abiy Axmed ayaana sheegtay in uu saameyn kuyeeshay cudurkii Covid-19 iyo dagaalkii kadhacay gobolka Tigrey kaas oo soo dhamaaday bishii November ee sanadkii 2022-kii.
Ugudamebyntii, Itoobiya ayaa haatan kubiirtay dalkii seddexaad oo African oo iska bixinwayay deynta lagu leeyahay, waxaa iyadan sidaan oo kale oo horey deynta lagu leeyahay horey iskaga bixinwaaya dalalka kala ah Chana iyo Zambia.

