SO | EN

SO | EN

Xildhibaanad dhowr mar alaab ka xaday Dukaan oo is casishay raali-gelina bixisay.

|

New Zealand (kaab tv ) – Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer,ayaa si weyn u hadal heysa fadeexada ka dhalatay falal xatooyo ah oo ay ku kacday xildhibaanad caan ah oo katirsaneyd baarlamaanka dalka New Zealand.

Xildhibaanad Golriz Ghahraman, oo ka tirsan Xisbiga Green ayaa lagu eedeeyay in saddex mar alaabo ka xaday dukaaman dharka iyo alaabaha dumarka lagu iibiyo oo ku kala yaalla magaalooyinka Auckland iyo Wellington.

Kaamirada CCTV ayaa duubtay xildhibaannada oo boorso qaali ah ka qaadaneysa dukaan ku yaalla Auckland, waxa uuna muuqaalkan noqday mid si weyn fadeexad ugu noqday xildhibaannada bulshadana iskula wadaageen.

Xildhibaanad Golriz Ghahraman ayaana markii uu baahay muuqaalkan fadeexada ku noqday shaacisay in ay iscasishay, waxa ayna raali-gelin ka bixisay falkan xatooyada ah ay ku kacday magaceedana dilay.

Waxa ay sheegtay in ay aad uga xun tahay falkan xatooyada ah ay ku kacday, waxa ayna xustay  in cadaadis xooggan oo ka heystay dhanka shaqada uu sabab u yahay inay sidan foosha xun u dhaqanto .

Golriz Ghahraman oo horey qareen xuquuqda aadanaha u doodda  uga ahayd QM ayaa taariikh dhigtay sanadkii 2017, kaddib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaxooti ah oo ka mid noqotay Baarlamanaka New Zealand, waxa ayna gabadhan kasoo jeedaa dalka Iran .

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News