Muqdisho (Kaab TV) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalka, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda gobolkaasi.
Raggan oo dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay aagga degmada Xarardheere oo kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Alshabaab.
Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abdikariim, waxaana lagu soo dhoweeyay deegaanka Caad.
Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay Alshabaab uga biireen deegaanada HirShabelle, gaar ahaan labada gobol ee maamulkaas oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Hadal kooban oo ay siiyeen warbaahinta ayaa waxa ay ku sheegeen inay u adkeysan waayeen howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo kooxda ee ka socdo halkaasi.
Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ayey ka dalbadeen cafis guud, isla-markaana ay wax u qabto, maadaama ay yihiin dhalinyaro mustaqbal ka leh nolosha.
Dhanka kale saraakiisha ciidanka dowladda ee soo dhoweeyay labada dhalinyarada ah ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay, laguna wareejin doono hay’adaha ku shaqada leh.
Mudug ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Alshabaab, isla-markaana lagu gaarsiiyay khasaaraha ugu badan, ayada oo laga qabsaday deegaano horleh.
Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxa isa soo tarayay xubnaha kooxda Alshabaab ee isku soo dhiibayo dowladda, taas oo loo arko inay bilow u tahay dhammaadka kooxda Alshabaa.