Buurhakaba (KAAB TV)- Xiisado colaadeed ayaa ka taagan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, iyadoo ay dib u soo cusboonaatay colaad beeleed, taasoo keentay in ugu yaraan hal qof uu ku dhinto tiro kalena ay isbitaallada la jiifaan.
Laamaha amaanka ayaa heegan buuxa la galiyay si looga jawaabo colaada qabaa’ilka ee soo cusboonaatay, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dad badan oo gurmad caafimaad u baahan.
Dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka ayaa soo jiitamayay khilaafyo soo noqnoqday, taasoo uga sii dartay xaaladdii markii horeba kacsanayd. Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi laga qabo in colaada u dhaxeysa maleeshiyo beeleedka ay sii xumaato, taasoo sare u sii qaadaysa walaaca laga qabo amniga iyo ammaanka dadka deegaanka.
Isku hub urursi ayaa la sheegayaa inay ka jiraan deegaannada ay colaadda ka taagan tahay, waxaana wararka qaarkood ay tibaaxayaan in labada dhinac ay soo gaarayaan Malleeshiyooyin gacan ku siiya dagaalka u dhexeeya, iyadoo taasina ay si weyn uga niyad xumaadeed dadka deegaanka lagu dagaalamayo ku nool.
Haddaba, si xal loogu helo dagaalkaas, ayuu sheegay maamulka gobolka Bay inuu wado qorshe looga hortagayo in dagaalladaas ay noqdaan kuwo sooo cusboonaada, isla markaana ay ku lug yeeshaan beelo kale oo laga yaabo inay gacan-siiyaan beelaha ku dagaalamay deegaannada miyiga ah ee hoos taga Degmada Buur-hakaba.
Inkastoo ay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada colaadeed, ayaa hadana waxaa sii socota in colaada soo noqnoqotay ee u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed ay caqabad weyn ku tahay deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sugaya xalinta iyo xasilloonida colaadda socota.