GAZA (KAAB TV)- Ma jirto wax horumar ah oo laga gaaray heshiiska xabad joojinta iyo wada xaajoodka maxaabiista ee Masar, iyadoo Xamaas iyo Israa’iil ay diideen inay ka laabtaan dalabaadkooda aasaasiga ah.
Xamaas ayaa sheegtay inay dammaanad ka doonayso Maraykanka oo ah in Israa’iil aanay duullaan dhulka ah ku qaadin koonfurta Rafah, iyadoo saraakiisha Israa’iil ay ku adkaysanayaan in weerarku dhici doono iyada oo aan loo eegin in heshiis xabbad-joojin ah la gaadhay iyo in kale.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in “macaluul ba’an” ay ku dhufatay waqooyiga Qaza ayna ku fiday koonfurta iyadoo Israa’iil ay sii waddo xaddidaadda tirada cuntada gargaarka ah ee gelaysa dhulka uu dagaalku ka socdo.
Ugu yaraan 34,654 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 77,908 kalana waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.
Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Gaza.
|

