SO | EN

Ka qeybgalka Firdhiye ee shirka Madasha DF iyo Maamullada oo muran ka taagan yahay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Wafdiga Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabduqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la isku heystaa inuu ka qeybgali doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee saaka ka furmay Muqdisho.

Shirkan waxaa ka maqan Puntland.

Waxaa illaa hadda jooga oo ka qeybgalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Raisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hoggaamiye Firdhiye uu u yimid Muqdisho ka qeybgalka shirka Madasha Wada tashiga ee Muqdisho ka furmay.

Hase yeeshee daqiiqado ka bacdi markii war saxaafadeedkaasi lagu daabacay bogga Facebook ee Wasaaradda ayaa laga tiray, waxaana qoraalkii lagu soo koobay kaliya in “Hogaamiyaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ayaa u yimid caasimadda dalka howlo shaqo.”

Firdhiye waxaa saaka garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Firdhiye waxaa saaka garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Kaalinta SSC-Khaatumo

Maamulka SSC-Khaatumo ayay hore Dowladda Federaalka ugu aqoonsatay maamul ku-meelgaar ah ka dib markii lagu yagleelay magaalada Laascaanood oo ay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada Somaliland, oo magaalada hore uga talin jiray, iyo dadka deegaannada SSC.

Shirka Madasha oo baaqday bishii hore laguma casumin Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, hore ugama qeybali jirin, hase ahaatee maadaama uu hadda yahay maamul ku-meelgaar ah oo dalka ka tirsan ayay dad badan is weydiinayaan sababta loogu oggolaan la’ yahay hoggaamiye Firdhiye ka qeybgalka shirka.

Arrintan ayaa durba hadalheyn xooggan ka dhalisay baraha bulshada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News