Soomaaliya oo ka digtay duufaanta kuleylaha ah ee Ialy oo kusoo wajahan.

|

MUQDISHO (KAAB TV) –  Hay’adda Musiibooyinka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay duufaanta kuleylaha ah ee Ialy, taasi oo la filayo in ay ka dhacdo gobolada Koonfur Galbeed iyo Koofurta iyo sidoo kale caasimadda Muqdisho.

“Dadka ku nool deegaannada ku dhow xeebaha waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeri ah,” ayay hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SDMA) ku tiri talobixinteeda oo Muqdisho laga soo saaray.

Roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa geystay khasaare iyo barakac guud ahaan Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkan.
Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (Ocha), laga soo bilaabo May 14, dad lagu qiyaasay 225,760 ayaa saameeyay roobabkii mahiigaanka ahaa iyo daadadkii Gu’ga (Abriil ilaa June), oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​38,730 qof oo ay ku waxyeeloobeen la barakiciyey ama la raray.

Roobkan oo wata daadad ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay khasaare nafeed oo isugu jira xoolo iyo beero, waxaana burburay goobo ganacsi oo yar yar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News