Muwaadin Soomaali ah oo Kenya lagu soo oogay afar dacwadood oo dukumenti been abuur ah la xiriira

|

Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Khalid Ali Tahir ayaa maxkamad ku taalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee magaalada Nairobi lagu soo oogay afar dacwadood oo la xiriira helitaanka iyo isticmaalka dukumentiyada aqoonsiga Kenya oo lagu eedeeyay inuu si khiyaano ah ku helay.

Khalid ayaa maxkamadda la horgeeyay Khamiistii, 12-kii Nofeembar 2026, kaddib markii la xiray 27-kii Oktoobar, xilli uu isku diyaarinayay inuu safar ugu baxo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania.

Baaritaanno ay sameeyeen saraakiisha Waaxda Dambi-baarista Kenya (DCI), iyagoo kaashanaya hay’adaha socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta, ayaa lagu sheegay inay heleen caddeymo ay ku saleeyeen dacwadaha loo soo jeediyay.

Eedeymaha waxaa ka mid ah inuu Kenya ku joogay si sharci-darro ah, inuu si ula kac ah u isticmaalay kaar aqoonsi ay ku jiraan xog been ah, iyo inuu sameeyay dukumentiyo been abuur ah si uu ku helo baasaboorka Kenya iyo ruqsad ku-meel-gaar ah.

Khalid Ali Tahir ayaa iska fogeeyay dhammaan afarta dacwadood ee lagu soo oogay.

Maxkamaddu waxay siisay dammaanad lacageed oo dhan 400,000 oo shilinka Kenya ah, iyadoo sidoo kale ku amartay inuu keeno laba qof oo Kenyan ah oo dammaanad-qaadayaal ah.

Labada qof ayaa laga doonayaa inay keenaan warqado caddeyn ah oo ay ka soo saaraan madaxda deegaanka ay ka soo jeedaan.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay amartay inuu dhiibo dhammaan baasaboorrada uu haysto, iyadoo la hakiyay dukumentiyada la xiriira kiiska inta ay dacwaddu socoto.

DHEERAAD:  Booliska London oo xiray nin asal ahaan Soomaali ah kaddib markii gaari uu ku jiiray dad lugeynayay

Maxkamaddu waxay kiiska dib ugu dhigtay 25-ka Nofeembar 2026, markaas oo la qorsheeyay in la guda galo dhageysiga hordhaca ah.

Waaxda Dambi-baarista Kenya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto baaritaannada iyo dacwad-oogista dadka lagu tuhmo inay si khiyaano ah ku helaan ama u isticmaalaan dukumentiyada dowladda Kenya.

Kiiskan ayaa mar kale muujinaya sida hay’adaha Kenya ay ula socdaan arrimaha dukumentiyada aqoonsiga iyo baasaboorrada, gaar ahaan kiisaska la xiriira helitaanka dukumentiyada dowladda iyadoo la adeegsanayo xog aan sax ahayn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News